Odayaasha iyo waxgaradka beesha biimaal oo si kulul uga hadlay xaalada magaalada marka ee sh/hose!(daawo muuqaal+warbixin) | warar sugan

Uncategorized

Apr 21, 2013 –

Number of View: 98

Odayaasha iyo waxgatadka beesha Biimaal ayaa si kulul uga hadlay xaalada magaalada Marka islamarkaana ku tilmaamay inay dowlada ay wax ka qaban weysay arintaas 

Daawo Muuqaal Ahaan Odayaasha oo ka Hadlaya Xaalka Magaalada Marka

Odayaasha iyo wax garadka beesha Bimaal oo dhawaantaan kulan isugu yimid magaalada Marka ayaa waxay kaga hadleen dhibaatooyin fara badan oo ay sheegeen in lagu haayo islamarkaana ay dhib ku qabaan maamulka dowlada iyo gudoomiyaha magaalada Marka, Odayaashaan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in qaar ka mid beeshooda oo loogu geystay dilal kala duwan magaaladaas la isku dayey in la qariyo, Sidoo kale ayay waxay sheegeen in ciidan beel loo galiyey tuuto oo ku labisan dareeska ciidamada islamarkaana sheeganaayo inay yihiin ciidan dowlada ay weerar ku soo qaadeen beeshooda.

Ugu dambeyntiina iyadoo Beesha Biimaal ay si kulul ugu hadleen dhibaato ay sheegeen in si gaara ah loogu haayo beeshooda ayey waxay kale ay sheegeen odyaasha beeeshaasi inay u arkaan inaysan wadanka ka jirin wax dowlad ah maadaama lagu haayo dhib joogto ah beeshooda mudo ka badan 22 sanadood islamarkaan aay dowlada hada jierta aysan wax ka qaban arintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *